HEESTA DHEEMAN KAAHA
Dharaartii ugu horaysay
Markaan dhaayaha ka qaaday
Jidhkaba dhidiba I qooyey
Waxbaa dhimirkayga qaatay
Sidaan ahay dhoore mooge
Dhabcaan maranoo la jiidhay
Shoogba igu dhagay dareen leh
Anoo dhaqdhaqaaqahayn
Dhanaba aan eegahaynin
Sidoon ahay udub dhighaysta
Ayaan dhidbanaa hortaada
Kolkaan xoogaa dhamaystay
Daqiiqado koomo dhaafay
Wuxuunbaa ii dhawaaqday
Waxaan la dhakoolay aafo
Anoo dhagar qabin xanuuna
Hadana dhinacbaan u liitay
Wareer dhakafaar ka qaaday
Dhalaanka sidiisa ooyey
❤❤❤❤❤❤❤
Dhada igu soo da,aysay
Banana dhaxantaan u jiifay
Dhinacna qoraxdaa I haysay
Cadeedaa igu dhacaysay
Kulayl dhamacbaa shidaysay
Dhannaba maan eegahayne
Adaa igu dherersanaayey
Ashaw dhalanteedka beenta
Naftaydani dali dhacaysa
Quruxda gabadhaan la dhoohmay
Waxaan galay dheelalaabo
❤❤❤❤❤❤❤
Dhamaan hablaheena geeska
Markaan dhexmareen ileeyey
Marnaba dhaayaha ma saarin
Midaan kugu dhereriyaaye
Waxaad tahay gaari dhawrsan
Xishood dhaqan iyo asluub leh
Akhlaaq laga dheehanaayo
Edaabta laguu dhameeyey
Dhalaalka korgaaga saaran
Qofkii mar dhugtaa la yaabay
Sidii qorraxdoo dhacaysa
Cadceedoo dheelmanaysa
Markay godka dhinaca saarto
Adaa la dheg lahoo dhamaysa
Waxaad tahay dheeman kaaha
Hablaha kuligoodba dhaama
Sunnaha lagu dhigay ishaada
Sankiyo dhererkiisa muuqda
Wajiga dhilanee dhalaala
Dibnaha dhiganee astaysan
Cabaadhyaha lagu dhirbaaxay
Qoortee lagu dhaabadeeyey
Timaha dhabarkaaga dhaafay
Gacmaha aan kala dhacaynin
Dhawaaqa afkaaga dhawrsan
Markaad dhoolaha cadayso
Xoogaa socodkana dhaqaaqdo
Ragbaa kugu dhaadanaaya
Dhererka muuqaaga jaaha
Korkaaga dhamaystirkiisa
Kolkaan dhaayaha ka qaaday
La dhaygagay kuna dhawaaqay
Dhashii nabi yusufbaad tay
Hadii qurux laysku dhaafo
Adaa dhaxalkeeda qaatay
Dhabtii waan kuu khushuucay
Siduu alle kuu dhameeyey
Dhaliisha laguugu diiday
Xumaanta lagaaga dhawray
wanaaga laguugu dheehay
Dulqaadka laguugu dhaanshay
Dhigaa uga sharaf badnaatay
Cilmiga ugu dhaga nuglaatay
samaha ugu dhiiranaatay
qoyskii ku dhaqaa astaan leh
Hooyadii ku dhashaa amaan leh
Aabihii ku dhalaa abaal leh
Dhooleey adigaa ilwaad leh
Ninkaad u dhaxdaa nasiib leh
❤❤❤❤❤❤❤
Adaa rajadayda dhawray
Adaa dhidibada u taagay
Kalgacal aan iga dhamaanin
Adaa dhaxlayoo naftayda
Dhamaan xididada dhexqaaday
Jacaylka adaa dhiteeyey
Dhabteena adaa ka yeelay
Adaa dhisayoo hankeena
Ku dhawray kalsoonidaada
Markaad dheeliga u diiday
Jacaylku inuu dhantaalmo
Dhexdeena wxii qasaayey
Dhankaaga markuu ka waayey
Dhibaato inuu abuuro
Markaad sharafteena dhawrtay
Markaad dhooleey danteena
Hawsheena ku dhiiranaatay
Dharaartiyo maalmaheena
Markaad dhicisow u diiday
Ayaan anna kuugu dhaarto
Inaan dhakhso kuu arooso
Dhigaagana kuugu faano

Comments
Post a Comment