Anyo Inta ilamidaa LEH

cibaado ilaahaybaa leh 
amaana rasuulkiba leh 
Akhlaqna dadkiisiba  leh 
Edaab ubadkii bartaa  leh 
Aqoon cidii doonaysa leh 

Adeecnimo waalidbaa leh 
adkaysi nin geesiyaa leh
astaan umad dhigataybaa leh
Aftahanimo iyo abwaana 
Aniyo inta ila midaa leh 

ax iyo way iyo dhibtaato
Adoon la adeegsadaa leh
abaalna qofki gudaa leh
Abaarna dhulkoo idlaaday
xoolaha ku abaadaybaa leh
ilwaad qurux iyo Astaana
Inantii ugubee casbaa leh
arinki waa hore qabyoobay
Odaygii loo diree haleeyey
Isana ku Asqoobaybaa leh 
Aarartiyo murtitii habaysan 
A,dii Alif laga bilaabo
Aniyo Hal-Abuurka jiitay 
ayaa ku gabyoo lahaaday

Comments

Post a Comment