ku ceesh xabsiga

Hadii cunugyahaw asqoobay
Caqligu daba maro caloosha
Waxaad tahay caynba-cayne
Ku ceesh xabsigoo ha dhaafin
Hadaad calmatood u baaqday
Hadaad cabdi-maalik doontay
Farmaajo inaad la ceeshto
Miyaad la cawaysid haatan
Cishiyo maalmiyo dharaaro
Maxaa durbadiiba caymad
Cabdow kugu sugay calaacal
Waxaad cabirtaa xuquuqda
Dalkaaga cadaaladiisa
Ma aha cilad iyo khiyaamo
Ma aha carar iyo iyo fariimo
Cadawga aad uga waarsheehtee
Adaa coludoon ku biiray
Kuwaa cimrigoodu haatan
Cumaamad u noday imaankuye
Ku ceesh xabsigoo ha dhaafin

Comments

Popular Posts