Hambalyadii FARXAAN NUR JAMAC IYO UBAH ABDI NUUR

Muhushada dareenkiinu
Waa marinka noloshiina
Muxibada kalgacalkiinu
Waa mawjad guriguunu
Ku muquunsanaan doono
Meherkiinu waa guusha
Gurigiina meeleeya
mahuraan xalaaleeya
Isu kiin macaaneeya
Mahadha xusuustiinu
Maalmay ahayd gaara
Wakhti mariya xeeshiina
Awlaad mudnaan yeesha
Ubad lagu muraadaysto
Diintana miciin siiya
Mawlahu ka yeel-kiina
Gurigiina maansheeye
Manfac iyo gasiin doora
Nolol aan masuug yeelan
Macsiyiyo xumaan reeban
Alla magane gurigiinu
Laga dayr maqaariibta
Lagu dayr mullaax caashaq
………………………………………
Muhiimnimadu waa shayga
Aqalkiina maareeya
Inaad tahay Musuul doora
Muunad tahay astaan gaara
Mawluhu ku maamuusay
Markhaataan ka ahay kow ah
Maantiyo intaad joogto
Manfac kuguma sooraayo
waa meel sokaysuune
Ducaan kugu mucaawimaye
Mawle raali kaa noqoye
Ducaan madaxa kuu saaray
Adigiyo Marwada   doontay





Comments

Popular Posts