Maanso: Dhool

Hadii Aad dharaaruun
Dhoolaha cadaysood
Dhag-dhag qosolka siinlayd
Ogow dhaban qurxooneey
Cuntaduba dhamaanteed
Dhadhanbay samayn layd
Hurdadaan ka dhaartayna
Dhabay iigu imanlayd
Manaan dhimir wareereen

Aan kuugu dhaartooon
Jacaylka dhuuxa hoosiyo
Oofaha u dhaadhacay
Dhabta kuugu qaadee
Maad ila dhadhaminoo
Caashaqan i dhaawacay
Adna ila dhadhaminoo
Dhooleey u mee dayi

Comments

Popular Posts