HAMUUMYO WAA MAANSO QIIRO LEH OO WADANIYA
- H’laydiyo maansadayda
- Higaadii gabayadayda
- Halkaan ka arooro caawa
- Hadaan guul ooman haado
- Inay hormo go’an aahaato
- Hashiisbay noo ahayde
- Bal aan ku hayaamo caawa
- Halkuu hindisuhu I geeyo
- ………………………………………
- hufnaanta naftaa ku oogan
- caqligu waa hibasho gaar ah
- xusuustu haday xumaato
- hamigu xeel dheer ma yeesho
- hoguu masku kugu qaniino
- hadaad ka hayaami waydo
- hurudo oo aad hawaarto
- inaad marlabaad hantaaqo
- halaqu kugu eegi waayo
- adaa hebalow sugaayey
- hawraartani hogo tuskeeda
- waxay huwantahay ujeedo
- …………………………………………
- Hamuunyo Anoo ku Seexday
- Anoo qatanaa habeeno
- Harraad Anigoo u liita
- Hantida Africoo dhan taala
- Hadii layidhaa ku doorso
- Haybada Somaliland-tan
- Hubaal layguma Karaayo
- Inaan xornimada hibeeyo
- Haayoo sababtuna waxay tay
- Anoo hogol roob arkaayaa
- Agtayda daruur ku hoortay
- Cirkuba ii hibatiqaayo
- Hilaacu kun jeeri dhaafay
- maxaan xamaroo haraaday
- hawaaraha boodhku haysto
- hankeedii haataan liito
- kii ay hobolaan ka hiilsho
- hunguri hororoo dhurwaaya
- horana aan ugu hilmaamay
- hadeer ugu rari hirwanka
- ka adag gidi habar dugaagba
- **********************
- Hoobaanta dalkayga Taala
- Hadaan waxyar kaaga sheego
- Intaan hubo Naba Kow dheh
- Hilaaca Aqoonta Laba dheh
- Heeraabta Afkayga saddex dheh
- Hiddaha Dhaqankayga Afar dheh
- Halmilyanoo aan hadeerto
- Halkani kugu tusi kararaynin
- Iyana ku daroo halyow dheh
- Hogaanka dalkaygu hawsto
- Hiigsiga aan hiigsanaayo
- Inaan Helo Nolol wanaagsan
- Dadkaa Huray Oo adkeeyey
- Dadkaa Hoos iyo korayto
- Habeenkiyo maalintiiba
- U Hawlan Korqaadeeda
- Nabada halalaasigeeda
- Hadaan Askar daacad hayzan
- Dhulkooda u soo Hibaynin
- Naftooda inay huraanba
- miyuu Hub kastaa xaqiiqda
- Horjoogi cadaawahaaga
- **************************
- Hiddaha guud iyo Tilmaanta
- haybinta Soomaalibaan hay
- Hayeeshee gaar ahaanta
- Somaliland –baa hoy ii ah
- Somaliland-baa han ii ah
- Somaliland-baa Hu ii ah
- Wadajir anigoo u heelan
- Markaan xamareey ku heesay
- Ayaan ku hungoobay guusha
- Xornimo Anigoo Haleelay
- Hashaydu Markay dhalaysay
- Foosheeda anaa Haleeyey
- Hirbaa ii Baxay kulayla
- Hilaac Beenan Hawaystay
- Waxaan idhi Hibasho doono
- Somali Hankeeda xooji
- Hadhuub Aad wada dhantaane
- Caanaha Haan qudha ku biiri
- Hayeeshee waan ilduufay
- Qadiyadaa iga Hanwayne
- Heshiisba labaan abuuran
- Iyana Igamay Hagaagin.
- Hadhuubkaan Ugu lisaayey
- Iyagu iigumay Hanbaynin
- Dalbaan haystaa Awoodle
- dadbaan haystaa aqoonle
- Diinbaan haystaa islaama
- ……………………………………………..
- Dalkayga hagaajintiisa
- Hogaannaa dhiig u daadshay
- maxamuud haybaan ku waayey
- Lixlaa geeridu haleesha
- maxamed calibaa u hoyday
- Halyey cali jamac aaway
- Habeenbaan kaga dhaqaaqay
- Intaan hoga iilka seexshay
- Anoon ax lahayn hantaaqo
- Hobalkii soomli oo dhan
- Fankiyo heesaha abuuray
- Hobolkii geeska afrikoo dhan
- Haybadii moogaan xasuusnay
- Siday hoogow ka yeeshay
- Hanbadii faqashtee I dhaaftay
- Koosaarbaan Hoog U diiday
- Haweenkaygiyo dhalaanka
- Naftiizii huray dhaqaaqay
- Haldooraa iga dhamaaday
- Qalbiga kuma hayn karaayo
- Intaan Hebal Hebal u sheego
- Ragii Xornimada Horseeday
- ……………………………………….
- Anoo hoog ii dhamaaday
- Anoo goblamoo hantaaqo
- Huday maankayga buuxdo
- Dharaartay hooyadeenu
- Markuu higyidhaa gantaalku
- Huqdiyo beerkuba istaagay
- Halbawluhu oof wareemay
- Hoogayoo ba’ayeey ku oyday
- Humaaga waxay ku haysay
- Hanfigu waa sii socdaaye
- Dagaalka u hura naftiina
- Anagu asaydaanu haane
- Anoo kumanaan halyeya
- Cabdow dhulka hooyo siistay
- Inaan hawlyaraan ku guura
- Haberteeday iga ahaanee
- Halkaase dardaaran qaado
- Hadaad xamar aayo mooday
- …………………………………………
- Taariikhda hadaanad haynin
- Adoon habranayn iskaaga
- Higaada ka baadhayaa iyo
- Hooyadaa kan waydiisayaaba
- Sooyalka dalkaaga haybso
- ………………….dhamaad………………….

334411
ReplyDelete