Maansadii karaamo

Qofkastaa karaankiisa Kuligood dadkaygoo dhan Rabigay ma kala saarin Mana kala astaamaysan Uu wada karaameeyey Qofkastaase kiishkiisa Wuxu kayd yaraantiisa Ku karaaray xoogiisu Ku kalifay naftiiso dhan Ku kacaayey laylkii badh Ku kalahay aroor dhawra Ayuunbuu Ku ceeshaaye Nina dahab laguubkoobay Ama dollar kala nooca Ama farasyo kooraysan Ama kadino xooloo gu Kaymaha dareeraaya Rag wuxuu u kaba beelay Kun habeen u soo jeeday Holac iyo kulayl oo dhan Dabadaha uu kuurkuuray Marna uu kax dhididkiisa Kalxamaha badh waydaartay Kuraantii daqiiqowday Kohashiyo hohey ciilka Samir iyo dulqaad kaashtay Kun haloo karaahaysan Nin ku koobay noloshiisa Dabadeed ku kaaftoomay Abidkii midaan keenin Kaligii wuxuu leeyey Nin karur nin kale leeyey Kabasha ku ciil beela Dabadeed ku kaaftooma Kiliyaha rag kale quuto Qarkii ku keenaysan Kaalmaha dhigii eegta Waliba koontaraag mooda Koobshaaha lacagtiisa Adoo koodh nin kale leyey Ka xidhoo ku xaragooda Karaamada waxaa dhaanta Adoo kaaga yeelyeelsha Koluu kuuba gacal miiso Adoo kala badh haaf qaata Kortoon uu nin kale leeyey Karaamada waxaa dhaanta Adoo kuuligaa ceesha Wolow uu kitaabkeenu Sadaqadu Ku keena Qofkastiyo karaankiisa Dhawrkunoo lagugu kaalo Karaamada waxaa dhaanta Kaaryoon adoo qaata Kirkiraysta suuqaaga Kolaad kuba gashoonaatay Kaamjooga waxa dhaama Adoo kaari eeg eegta Nin ku yidhi kunkaa qaado Kugu dhufay afjeex kuusan Nin Ku yidhi kadaabayso Kabadh weela kuu dhiibtay Kaasaa kan yara dhaama Keebkaanu kuu taabtay Dharaaruun inaad kaashto Isku koob dhamaantoodba Kootada shaxaadlaydu Now iyo kun weeyaane Ka fogow karbaashlayda Kaashkiyo yaqaan keenta D

Comments

Popular Posts