MAANSADII CIIDAYDA HOOYO
Adaa calankaygiyoow
Daruur ii curatayoo
ku caanbaxay maanta oo
Casaan midkaaga iyo
Cadaanka markaan arkaa
farxada cabirkeeda guud
Celcelis boqol gaadhayoo
Indhaha labadayda cayn
adaa ku casuumanoo
Calanyahow kugu daawadee
Allow cawrida ka dhawr
calanka SOMALILAND
Adaa ciidaydiyeey
Ilaa cishadaan maqliyo
dharaartii caanka hayd
Caruurnimadii horiyo
Cunuga goortaan noqdiyo
Caawoon maansadan cabiray
Runtii kugu cuud baxee
Intaan kugu caano dhamay
intaan kugu ceeshay dharag
Intaan cadalool habeen
Intaan ku caweeyey fiid
Intaan cashar kugu dhigtiyo
Intaan cilmi diiniyeed
Ciidayda ku qaatay daris
Cawiyo waa ii nasiib
Codkaygu inuu xoryee
Allow cawrida ka dhawr
ciidayda SOMALILAND
Adaan ciidankaygiyoow
Xaqiiq kugu ciil baxoo
Cadawga iga eegayoo
Khatarta iga caabiyoo
Adiga oon cabanahay
Cadhana aan muujinayn
Cabsidu ay kaa fogtahay
Cududa igu dhawrayee
Ilaahay cidaan ahayn
Adaan ka cabsooninoo
Calool ad-adayga iyo
Cawaandadu waa midaad
ku soo canamaashayoo
Halyey caafimaad qabiyo
laxaad curdinaad tahee
Allow cawrida ka dhawr
Ciidanka somaliland
© Tacabir Haji


Comments
Post a Comment