Bidhaan Qurux

boqoradaan ku faaniyo
waxaad tahay bidhaantii
Aan beegsanaayoo
bu'da nuurka araguna
bilicdaada uunbay
hadba baalo daymood
Subuxii bayaanshaan
Noloshaad bar bilaw iyo
Baag adag u tahayoo
waxaad tahay birqaabkii
dabku iigu baxayee
Allahay bidhaan qurux
Hanakala baqoolsiin

Comments

Popular Posts