Riyo waa maanso ka hadlaysa aafada tahriibka iyo nimcada dalkeena taala
#Riyo
waa manso ka hadlaysa tahriibka iyo nimcada dalkeena
taala
@Tacabir
Ogow raygoo kaa xumaado
Barbaaarteenoo riddawda
Xukuumada ragaada
Waxay rimiyaan dhibaato
Yaqiinta raboon Ilowno
******************
Haduu jinni kuu rabaaso
Tahriibta hadad u roorto
Ku riixdo naftaada geeri
Ku raacdo hankaaga dhiilo
Ku raadiso aayahaaga
Jidkaa rixin goysku joogo
Jidkaa lagu jaray rageena
Jidkaa raaliyo aqoonle
Jidkeedii lagu raqiisay
Jidka lagu sii rafaado
Jidkaa lagu riday barbaarta
Jeelkee lagu riiqay maanta
Risiqa eebahaa ku siiyey
Rooblow kuma seegi doono
Rugkasta oo aad u aado
******************
Intaad isasii ruxaysay
Intaad orod sii ruclaysay
Intaad iska sii rabaastay
Markay rajadii xumatay
Markaad jeel raaxo mooday
Markay doonidii rigooday
Markuu rabadhkii is dhaafay
Miyaanay raqdii barbaartu
Badaha rukunkeeda oolin
Intaad orod sii ruclaysay
Intaad iska sii rabaastay
Markay rajadii xumatay
Markaad jeel raaxo mooday
Markay doonidii rigooday
Markuu rabadhkii is dhaafay
Miyaanay raqdii barbaartu
Badaha rukunkeeda oolin
*********************
Miyaanay ragaasi hedhe
Rajadii aynu wada sugaynay
Rucubtii ubadkeena laynin
Miyaanay ku reebin hooyo
Inay rubaduba istaagto
Markii lagu yidhi
rumayso
Intoo loo duubay roolka
Kamarad lagu soo raseeyey
Muuqaal hanka kaa ragaadsha
Mukhalas caraboo riddoobay
Dhasheena inuu rukaaso
Inuu rarto oo cadaabo
Waliba nabariyo ku reebo
Xusuustiisoo rabdhawda
Raygii dhalintaa ka kow ah
Dawladan ka raynwaydabaa leh
***********************
Haduu rooday tahriibka
Inuun dhalintii ku raysay
Carkee reerkooda biilsha
Carkee daar soo binaystay
Inuun dhalintii ku raysay
Carkee reerkooda biilsha
Carkee daar soo binaystay
Carkee baabuuro riixda
Roodhay ku cashaynayaane
Aduu ramadbaad dhantaaye
Raxmaanku indhahaag kuu fur
Roodhay ku cashaynayaane
Aduu ramadbaad dhantaaye
Raxmaanku indhahaag kuu fur
**************************
Haduu reer-galbeedku sheegtay
Inuu Nimco raysleh yaalo
Anagu ka rumaysan mayno
Beentuu naga raaridaayo
************************
Dal-baannahay rukunka aastay
Dad-baannahay rabi yaqaana
Umado isu soo rucleeya
Markuu qoys kale ragaado
Rafiiq-baannahay kalsooni
Rabigu hibo gaara siiyey
Ruuxdaan ka fayawnay hoose
Nabadu Waa Raasamaalka
Rajada Aanu wada Sugayno
Inuu Nimco raysleh yaalo
Anagu ka rumaysan mayno
Beentuu naga raaridaayo
************************
Dal-baannahay rukunka aastay
Dad-baannahay rabi yaqaana
Umado isu soo rucleeya
Markuu qoys kale ragaado
Rafiiq-baannahay kalsooni
Rabigu hibo gaara siiyey
Ruuxdaan ka fayawnay hoose
Nabadu Waa Raasamaalka
Rajada Aanu wada Sugayno
**********************
Hargeysoo roobku naadshay
Burcaa reexaan udgoone
Berbera dekedaha rasaysan
Boorama rajadayda awdal
Sanaag iyo rayska daalo
Sool iyo raasamaalka daaqa
Rugtii ganacsiga gabiilay
Walee rooma uma tahriibo
Anoo baligubadle raaxo
Bankii reeraha dhexyaalay
Rugtooda ku waa bariistay
******dhamaad******

Comments
Post a Comment