XIFAALTAN waa maanso qiso dhab ah ka abuurantay waxay ka hadlaysaa hablaha iyo dhibaatada ka qabsata reerkay u dhaxday marka la guursado
- dharaaruhu waa xisaabtan
- wakhtiga lagu xusi karaayo
- Xawaaraha uu jaraayo
- Intaad xaytahay aduunka
- Maxaad xusni murugo haysta
- Xaalado adag iyo dhibaato
- Xas iyo qodax aasan buuxda
- Maxaa adigoo xaraabe
- Naftaadu xiintay aakax
- Hadana xiligii Kalkiisa
- Ku xaadirtay oohinteeda
- Xanaaq ciilkaambi jooga
- Maxaa adigoo xad-dhaafa
- Xubigu kugu riday muquurtan
- jacayl la xadaarifaysan
- kalgacal la xamaasadaysan
- Xuskaaga ka buuxo loofku
- Habeenkii xiiqsan laylka
- Af-kaagu xabiibi yeedhmo
- Xataa aabahaa dhawaaqa
- Xawilan yeedhmada yidhaahda
- Adoo gurigiina xaaqa
- Amaba Xoolihiina raacda
- Waliba Xaafadiina jooga
- Waxaad Xilahaa u qaaday
- Qof kale Xayntii u raacday
- Adoo meher kuu xalaalin
- Waxaad xaaskii noqotay
- Xamday Sabteeda waaxay
- ********* **********
- Adoo kalgacayl xaroobay
- kashaada jacayl xoroystay
- Xaniban ruux kale dartiisa
- Xiskaaga ku qaatay oohin
- Hadana ruuxaad xagiisa
- u saartay xaqiiq jacayl ah
- ku yidhi xumahayga qaado
- Xambaaro intaad aduunka
- xiqdiyo kuu hayo nacayba
- Xabadna kaagama tudheene
- Intaanan ku xaaqin huuno
- Dhiigaaga xaqiiq u daadin
- Ila dhaaf xubigaad ku faanto
- Anoo xiganaaya sheeko
- Qisadan i xanuujinaysa
- Bal aan dhawr xaraf ka sheego
- Siduu xaalkooda sheegay
- Qofkii warka ii xaqiijay
- Barbaar Xulanbaa is doortay
- Xubiga caashaqa wadaagay
- Xididkiyo dhiigooda qaatay
- Dareen xubi gaara yeeshay
- Xinjiraha uurkooda hoose
- Xamaytida beerka jiifta
- Waxa ku xidhnaa dareenka
- Xawilay qalbigooda ruuxda
- Jacayl Xadhkahooda goostay
- Xiliba Xili soo tarmaayey
- Waxay soo xuri dhacaanba
- Xaajadu waxay soo gun gaadhay
- Inay is xalaashadaanba
- Aroos xalanbaa la yeeshay
- Reerba ku xarooday guusha
- Xarakada caashaqaa siyaaday
- Xooriyo caaniyo muquumad
- Ayaa xidid fiican keenay
- Xafladii arooskaa dhamaatay
- Xaliyo todobaad dhamaaday
- Xusuus wacanbay ahayde
- Allow maad nagu xayeysid
- Xiqdigu shaw kama dhamaado
- Wixii gabadh xaawalaya
- Xanshaaq hiif colaadsi
- Xifaaltan dhexdooda yaala
- Ayaa xaaskii haleelay
- Waxaa xulafaysi yeeshay
- Wixii Xamda reerka joogtay
- Waxaa lagu xidhay yabaabul
- Ninkii xilkan qaadi laana
- Xageeda kamuu dhawaanin
- Wuxuu Xagal daac u yeeshay
- Inuu Xigsadoo dhankooda
- Xagaa hablahooda raaco
- Dabadeed Xeerbeegti moodo
- Inuu gabadhiiso xooro
- Xaaskisa ku dhiiranaado
- Xumiyo kula kaco ashaartan
- ********* ******** ********
- waxay hayd gaari xoogan
- Xushmiyo lagu dhalay Edaabe
- Waxay hayd xuural cayn yar
- Xafidan oo dharer qurxoone
- Waxay hayd Xudun qarsoone
- Malaa xabadaan arkaayey
- Aduunkaba kama xijaaban
- Xabuub midha baxay iskooda
- Xabxabkiyo canbahoo bislaaday
- Amaba Roobkoo ku xuumay
- dhuluu jiilaalku xiiray
- Dabadeed xaadhoo ku seexday
- Xubnooluhu wada figaaray
- Xayaabado ay istaagtay
- Markay Xiligooda gaadho
- Ayey la xariir ahayde
- Walee Xurmo dhaqan astaysan
- Hadaan gabadh dumar xisaabsho
- Allaw Xidigtii Haweenka
- Xulkii hablaheena geeska
- Wixii xaawalay dhex joogta
- Xaqbay u lahayd yartaasi
- Inaan ku idhaah xariiqo
- Adaa ugu mudan xaqiiqe
- Markaan xaalkeeda eegay
- Halkay xaajuda ka gaadhay
- Waxay tidhi Xuma ma sheegi
- Xadbaan u jeclaa dhisnaanta
- Xerinta aqalkayga guusha
- Inaan xidida u aaso
- Xurmiyo Qoyskayga joogo
- Xakiinkaa qoray horeeto
- waxaase xumaanta keenay
- Xaqirid aan ii qalmaynin
- Xujiyo been aan dhamaanin
- Canaan lay xuubsanaayo
- Xodxodoshada aan arkaayo
- Wallow aan samir xigtaystay
- Xantoodana aanan eegan
- Xididkana aan aad dhawray
- Haday Xanaftani abuurtay
- Anuu xor ilaahay haatan
- Inaan xamilaa karaahi
- Xaafado aniguun i eegta
- Anoo xalqadayda qaata
- Dabadeed xor noqdoo istaaga
- Xajiintaaduna idayso
- Xalbaan u arkaa sidaase
- Xatubsoo noloshaada xooji
- waliba xaal qaadan maayo
- Xoolana kaa dooni maayo
- Xariir aqalkaaga taalo
- walee shay xiran ma qaato
- Intaan xay ahay aduunka
- Anuu ku xigtaysan maayo
- Xumaana kuu raadin maayo
- Xaajina kolay waayi maayo
- Xanaano kuma haysan
- Waxaadse xuquuq bidaysay
- Xiniintaad igu eryeysay
- Ku keen Xabashiyad hadeerto
- Bariis xaydhluun ku siisa
- Reerkiina kala xaraasta
- Adiga xawdh kugu rabaysa


Comments
Post a Comment