Xod-xodasho waa maanso ka turjumaysa qisa dhab ah oo ku dhacday gabadh soomaliyeed

dharaaruhu waa xisaabtan
wakhtiga lagu xusi karaayo
Xawaaraha uu jaraayo
Intaad xaytahay aduunka

Maxaad xusni murugo haysta
Xaalado adag iyo dhibaato
Xas iyo qodax aasan buuxda
Maxaa adigoo xaraabe 
Naftaadu xiintay aakax
Hadana xiligii Kalkiisa
Ku xaadirtay oohinteeda
Xanaaq ciilkaambi jooga

Maxaa adigoo xad-dhaafa
Xubigu kugu riday muquurtan
jacayl la xadaarifaysan
kalgacal la xamaasadaysan
Xuskaaga ka buuxo loofku
Habeenkii xiiqsan laylka
Af-kaagu xabiibi yeedhmo
Xataa aabahaa dhawaaqa
Xawilan yeedhmada yidhaahda
Adoo gurigiina xaaqa
Amaba Xoolihiina raacda
Waliba Xaafadiina jooga
Waxaad Xilahaa u qaaday
Qof kale Xayntii u raacday
Adoo meher kuu xalaalin
Waxaad xaaskii noqotay 
Xamday Sabteeda waaxay
*********          **********
Adoo kalgacayl xaroobay
kashaada jacayl xoroystay
Xaniban ruux kale dartiisa
Xiskaaga ku qaatay oohin

Hadana ruuxaad xagiisa
u saartay xaqiiq jacayl ah
ku yidhi xumahayga qaado
Xambaaro intaad aduunka
xiqdiyo kuu hayo nacayba
Xabadna kaagama tudheene
Intaanan ku xaaqin huuno
Dhiigaaga xaqiiq u daadin
Ila dhaaf xubigaad ku faanto

Anoo xiganaaya sheeko
Qisadan i xanuujinaysa
Bal aan dhawr xaraf ka sheego
Siduu xaalkooda sheegay
Qofkii warka ii xaqiijay

Barbaar Xulanbaa is doortay
Xubiga caashaqa wadaagay
Xididkiyo dhiigooda qaatay
Dareen xubi gaara yeeshay
Xinjiraha uurkooda hoose
Xamaytida beerka jiifta
Waxa ku xidhnaa dareenka
Xawilay qalbigooda ruuxda
Jacayl Xadhkahooda goostay
Xiliba Xili soo tarmaayey
Waxay soo xuri dhacaanba
Xaajadu waxay soo gun gaadhay
Inay is xalaashadaanba
Aroos xalanbaa la yeeshay
Reerba ku xarooday guusha
Xarakada caashaqaa siyaaday
Xooriyo caaniyo muquumad
Ayaa xidid fiican keenay
Xafladii arooskaa dhamaatay
Xaliyo todobaad dhamaaday
Xusuus wacanbay ahayde
Allow maad nagu xayeysid

Xiqdigu shaw kama dhamaado
Wixii gabadh xaawalaya
Xanshaaq hiif colaadsi
Xifaaltan dhexdooda yaala
Ayaa xaaskii haleelay
Waxaa xulafaysi yeeshay
Wixii Xamda reerka joogtay
Waxaa lagu xidhay yabaabul
Ninkii xilkan qaadi laana
Xageeda kamuu dhawaanin
Wuxuu Xagal daac u yeeshay
Inuu Xigsadoo dhankooda
Xagaa hablahooda raaco
Dabadeed Xeerbeegti moodo
Inuu gabadhiiso xooro
Xaaskisa ku dhiiranaado
Xumiyo kula kaco ashaartan
*********     ******** ********
waxay hayd gaari xoogan 
Xushmiyo lagu dhalay Edaabe
Waxay hayd xuural cayn yar
Xafidan oo dharer qurxoone
Waxay hayd Xudun qarsoone
Malaa xabadaan arkaayey
Aduunkaba kama xijaaban
Xabuub midha baxay iskooda
Xabxabkiyo canbahoo bislaaday
Amaba Roobkoo ku xuumay
dhuluu jiilaalku xiiray
Dabadeed xaadhoo ku seexday
Xubnooluhu wada figaaray
Xayaabado ay istaagtay
Markay Xiligooda gaadho
Ayey la xariir ahayde 
Walee Xurmo dhaqan astaysan

Hadaan gabadh dumar xisaabsho
Allaw Xidigtii Haweenka
Xulkii hablaheena geeska
Wixii xaawalay dhex joogta
Xaqbay u lahayd yartaasi
Inaan ku idhaah xariiqo
Adaa ugu mudan xaqiiqe

Markaan xaalkeeda eegay
Halkay xaajuda ka gaadhay
Waxay tidhi Xuma ma sheegi
Xadbaan u jeclaa dhisnaanta
Xerinta aqalkayga guusha
Inaan xidida u aaso
Xurmiyo Qoyskayga joogo

Xakiinkaa qoray horeeto
waxaase xumaanta keenay
Xaqirid aan ii qalmaynin
Xujiyo been aan dhamaanin
Canaan lay xuubsanaayo
Xodxodoshada aan arkaayo
Wallow aan samir xigtaystay
Xantoodana aanan eegan
Xididkana aan aad dhawray
Haday Xanaftani abuurtay
Anuu xor ilaahay haatan
Inaan xamilaa karaahi
Xaafado aniguun i eegta
Anoo xalqadayda qaata 

Dabadeed xor noqdoo istaaga
Xajiintaaduna idayso 
Xalbaan u arkaa sidaase
Xatubsoo noloshaada xooji
waliba xaal qaadan maayo
Xoolana kaa dooni maayo
Xariir aqalkaaga taalo
walee shay xiran ma qaato

Intaan xay ahay aduunka
Anuu ku xigtaysan maayo
Xumaana kuu raadin maayo
Xaajina kolay waayi maayo
Xanaano kuma haysan
Waxaadse xuquuq bidaysay
Xiniintaad igu eryeysay
Ku keen Xabashiyad hadeerto
Bariis xaydhluun ku siisa
Reerkiina kala xaraasta
Adiga xawdh kugu rabaysa

Comments

Popular Posts